Maxay Kawada Hadleen Laftagareen iyo Wafdiga Qaramada Midoobay?
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo maanta waxaa uu kula kulamay wafdi ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay Marwo Kiki Gbeho.
Kulanka ayaa intii uu soo socday waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo maraya heer gabagabo ah, amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo Abaaraha saamaysay dadka iyo duunyada ee ka jirta deegaannada maamulka.
Wafdiga ay hoggaaminaysay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa safarro dhowr ah ay ku tagatay dowlad goboleedyada dalka iyadoo ku kuur galaysa doorashooyinka iyo Abaara jira.
Goobjoog News