Duqa Muqdisho oo Daahfuray Mashruuca Dhismaha Waddada DR Kadare
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha waddada DR Kadare, waddadaas oo tagi doonto Xeebta Dahab Mariina Beach.
Dhismaha waddadaan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada Caasimadda,iyadoo sidoo kale qeyb ka noqon doonto dalxiiska ay dadweynaha ku tagi doonaan xeebaha waddadaas saaran.
Guddoomiyaha Rugta ganacsatada Soomaaliyeed Maxamud Cabdikariim Gabeyre ayaa tilmaamay “ in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin da’daal kaste oo lagu horumarinaayo Caasimadda”.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka mashruucan ayaa sheegay “in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeegya wax tar leh” .
Dhan kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dib u dhiska lagu sameynayo waddada Fagax oo kamid ah waddooyinkii ku bur buray dagaaladii so keeye ee dalka ka dhacay.
Goobjoog News