U bood dhigaalka

Putin: Cunaqabateenada Ka Dhanka Ah Ruushka Waxay La Mid Yihiin Iclaamin Dagaal

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku hanjabay sii jirtaanka dalka dagaalka uu ku qaaday ee Ukraine, xilli ciidamada ruushka ay gudaha ugu jiraan dalka deriska la ah.

“Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

“Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona”, ayuu hadalkiisa intaas ku sii daray madaxweynaha tuushka.

Inta badan wadamada reer galbeedka ayaa cunaqabateyno dhinac walba ah saaray dalka Ruushka kadib markii Putin uu todobaad ka hor amray in la qaado howlgal ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo majaajileyste hore zelensky.

Shirkadaha lacagaha la isugu gudbiyo ee Mastercard iyo Visa card ee fadhigoodu yahay Maraykanka ayaa dhankooda saacadihi la soo dhaafay xanibaad  ku soo rogay adeegooda laga isticmaalo ruushka.

Xukuumadda Kyiv ayaa ugu baaqday Reer Galbeedka inay sare u qaadaan kaalmada militari ee ay siiyaan, oo ay ka mid yihiin diyaraadaha dagaalka.

Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka deriska la ah in ay dalkiisa soo gaarsiiyaan diyaaradaha dagaalka ee casriga ah si ay isaga difaacaan Moscow.

Washington ayaa dhankeeda la sheegay in ay waddo qorsha ay Poland heshiis kula galeyso in dhigeeda Kyiv ay ku siiso diyaaradaha dagaalka, taas badalkeena maraykanka uu siinayo Warsaw diyaaradaha F-16 ee uu sameeyo Maraykanka.

Vladimir Putin ayaa NATO uga digay in ay dagaalka qayb ka noqoto, haddii taasi dhacdana uu sheegay in uu dhici doono dagaal wayn.

“cawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in dhaqdhaqaaq walba oo ay sameeyaan NATO iyo xulafadeeda ay u fasiran doonaan ka qayb galka dagaal wayn.

“Dhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,” ayuu yiri Putin.

Hogaamiyaha mudada dheer xukumaya ruushka ayaa sheegay in ay tahay waxa ay sameeynayaan reer galbeedka dagaal ka dhan ah Moscow.

“In badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Putin ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in cunaqabataynta dalkiisa ay ku soo rogeen ay tahay iclaamin dagaal balse dowladdiisa weli aysan heerkaas gaarin.

“Cunaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal, Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,” ayuu yiri Putin.

Ruushka ayaa hadda inta badan gudaha ugu sugan magaalooyinka muhiimka ah ee Ukraine, xilli uu iska caabin xooggan kala kumayo ciidamada xukuumadda Kyiv iyo shacabka hubaysaan ee dalkaas.

Goobjoog News