Yaa Ku Soo Baxay Kuraasta Galkacyo Lagu Doortay?
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu doortay sedex kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooodu ay tahay Gaalkacyo.
1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ayaa waxaa markale loo doortay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kadib markii tartanka kursiga uu isaga tanaasulay musharraxii la tartamayey Maxamed Axmed Maxamed, waxaana Odawaa uu ku guulaystay 97 cod oo gacan taag ah, majirin Ergay diiday, waxaana markiisii labaad loo doortay kursigaan HOP#069.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 038 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, waxaana kursiga ku tartamay 5 musharrax, kuwaas oo mid waliba isaga rabay inuu helo guusha, waxaana ay ahaayeen musharraxiinta kala ah, kuwaas oo shahaada qaatay iskuna diiwaan galiyey in ay u tartamaan kursiga.
Tartankiisa oo ahaa mid furan ayaa waxaa la isla aaday wareeg labaad, waxaana lagu kala guulaystay codka haldheerida 50+1, Codbixinta inta ay Bilaaban waxaa tanaasulay Aadan Warsame Cilmi, kaas oo ahaa musharraxii 5-aad ee u soo istaagay tartanka gursiga,waxaana natiijada codbixinta 4-ta Musharax oo soo hartay waxay ku dhamaatay sidaan.
Waxaa tartanka wareegii labaad isaga haray musharrax Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod, waxaana guddigu ay sheegeen labada musharrax ee isku soo hartay lagu kala saarayo codka hal-dheerida ah ee 50+1 ay ku guulaysanayso kursiga waxaana ugu dambayn soo baxay musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo wareegii koowaad la yimid 35-cod.