U bood dhigaalka

Ma Hardankii Siyaasadda ayaa Isku Badalay Dilal Qorsheysan?

Dadka siyaasadda jiheeya ee loo yaqaan “Political Elites” ayaa si xooggan uga falceiyey labadii qarax ee shalay Muqdisho iyo Beledweyne ka kala dhacay kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi, waxayna dhammaantood qireen in qaraxyadaas ahaayeen kuwo “Siyaasadeysan” oo dano gaar ah laga leeyahay.

Dhiigga shalay qulqulay iyo geerida ay sababeen qaraxyadaas waxaa sidoo kale ka hadlay Beesha Caalamka oo si adag u cambaareysay islamarkaana sheegtay inay tahay wax aan la aqbali karin in qaraxyada la siyaasadeeyo si loo gaaro ujeeddooyin gurracan oo aan u hiillineyn dadaallada dib looga soo kabanayo qaran burburka.

Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay soo gaareen digniino dil isaga oo ka digay falalkaas waxaa uuna yiri ” Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas”.

Cabdiraxmaan Caynte oo mar Wasiirka Qorsheynta ka soo noqday Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagoo xiganaya qoraal uu soo-saaray Ra’iisul-wasaare Rooble ku tilmaamay labada qarax ee ka kala dhacay Muqdisho iyo Beledweyne kuwo ay soo maleegeen gacmo siyaasadeed oo looga dan lahaa in lagu ciribtiro dadka dowladda dhaliila, lagu cabsi geliyo xildhibaannada cusub ugu dambeynna jihada laga wareejiyo doorashada socota.

Ma arrin caadi ah ayaa lagu tilmaami karaa in dadka dowladda aragtida ku diiddan ay Alshabaab dilaan? Yey yihiin Alshabaab hadda? Arrintani waa qaarajin ay ka dambeyso Villa Somalia. Ma jirto wax kale oo lagu marmarsiyoodo. Allaha u naxariisto. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo qoraal sidaa u dhigan soo dhigay Bartiisa Twitterka.

Dhinac kale, Beesha Caalamka ayaa dhankeeda cambaareysay qaraxyadii shalay ka kala dhacay Muqdisho iyo Beledweyne waxayna ka digeen inaan fowdo iyo carqaladeyn marnaba la soo dhaweyn karin.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster ayaa tacsi u dirtay dadka ay saameeyeen qaraxyada ka kala dhacay shalay Muqdisho iyo Beledweyne waxayna si adag u cambaareysay ficillada cabsi-gelinta ah iyo rabshadaha la doonayo in lagu cuuryaamiyo doorashooyinka. Waxay safiiraddu sheegtay in dowladda Ingiriiska ay ku garab-taagan tahay dadka Soomaaliyeed dagaalka lagula jiro argagixisada.

Tiina Intelmann oo ah Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya oo Iyana sheegtay in fowdo dhacda aysan wax dan ah ugu jirin Soomaaliya, waxay intaas ku dartay in Midowga Yurub cambaareynayo argagixisannimada iyo dilalka siyaasadeysan, waxay ugu dambeyn tacsi u dirtay qoyska xildhibaan Aamina Maxamed oo ku dhimatay qarax shalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Goobjoog News