Ciidanka Xoogga Dalka oo Soo Bandhigay Xubin Ka Tirsan Alshabaab
Sheeko:Arrimaha Amniga
Taliska ciidanka xoogga dalka dowladda federalka Soomaaliya qeybta 60-aad ayaa maanta magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay kusoo bandhigay xubin ka tirsan Alshabaab oo ciidanku ay sheegeen inuu isku soo dhiibay.
Cali Cabdullaahi Cali ayaa magaciisa afgarshada waxaa uu ku sheegay Khaalid, isaga oo xusay inuu Alshabaab u qaabilsanaa Jabhadeynta, waxuu intaas ku daray inuu kasoo howl galay gobolada Bay iyo Shabeellada dhexe.
Xilli uu warbaahinta la hadlayey waxaa uuxusay in ciidanka xoogga ay siwayn u soo dhoween, waxaa la arkayey deegaannada Koonfur Galbeed muddooyinkii dambe rag ka tirsan Alshabaab ay isku soo dhiibayeen ciidanka.
Goobjoog News