Ciidamada Xoogga oo Soo Bandhigay Xubin Ka Tirsan Al-shaab oo Isku Dhiibay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigeen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay dhankooda.
Maxamed Maxamuud Fanax ayaa ahaa xubin ka tirsan Al-shabaa, waxaana uu ka howlgeli jiray degmada Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, isla markaana waxaa muddo 5 sano ah la shaqeynayay Al-Shabaab, isaga oo qaabil sanaa jabhada gobolada.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda 60-aad ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dhankooda isku soo dhiibay, waxaana ugu dambeeyay Maxamed Maxamuud Fanax oo maanta iska dhiibay gobolka Bay.
Goobjoog News