Akhriso: Musharraxiinta Isku Diiwaan Gelisay Guddoonka Aqalka Sare
Guddiga dooorashooyinka golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay diiwaan gelinta musharraxiinta u taagan qabashada guddoonka aqalka sare kursiga guiddoomiyaha iyo labada ku-xigeen, waxaana guddigu uu sheegay in maanta ay isdiiwaangeliyeen afar musharrax.
Senator Saalax Cumar Xasan ayaa isku diiwaan geliyay guddoomiyaha golaha aqalka sare, waxaa sidoo kale ku-xigeenka koowaad isku diiwaan geliyay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, halka ku-xigeenka labaad ay isku diiwaan geliyeen Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) iyo Senator Ilyaas Badel Gaboose .
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka golaha aqalka sare Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa sheegay in maanta afartaas muasharrax la diiwaab geliyay oyagoo sidoo kale qaatay shaadada guddiga ee musharraxnimo oo la siiyay mid waliba oo kamid ah musharraxiinta.
Goobjoog News