U bood dhigaalka

Boosaaso: Nin Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil dad shacab ah magaalada Boosaaso loogu gaystay habeennimadii xalay, kadib markii ay rasaas fureen rag ku hubaysan qoryaha daran dooriga u dhaca.

Nin ku hubaysay qori ayaa la sheegay in uu falkaan ka gaystay guri ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaana wararka ay sheegayaan in gacanta lagu dhigay ninkii falkan ka dambeeyay.

Dhacdadaan ayaa waxaa ku dhintay Raaqiyo Faarax oo ahayd hooyo uur leh iyo wiil yar oo ay habaryar u ahayd kuwaas oo xilligii la dilayay ku sugnaa gurigooda.

Taliska ciidamada booliiska Boosaaso ee Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Hooyada iyo wiilka yar.

Dilka ayaa yimid kadib markii ninka la qabtay oo hubaysnaa uu rasaas ku furay guriga ay daganaayeen marxuumiinta dhintay.

Goobjoog News