U bood dhigaalka

Guddomiye Dhabanacad Oo Dil Ka Badbaaday

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka BJFS Amb Cabdisalaam  Axmed Dhabancad ayaa sheegay in ay soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda goobtii ay ka socotay dhaarinta xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq waxaana uu xusay in arrintaas looga horjeeday in aysan dhismin dowladnimada, waxaana uu yiri isaga oo hadlay.

“Intaas waxa samaynaya waa ciidamadii amniga, madaxdii oo arkaysa, annagu inaan gudano oo haddaan dhimanayno aan xaq ku dhimano ayaan u samaynay, waan ku faanaynaa, Barri iyo Saadambe  waxaa dhici doona in ay yimaadaan guddoomiyaha aqalka sare, aqalka hoose iyo ku-xigeenadooda” ayuu yiri Amb Dhabancad.

Guddoomiye Dhabancad oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in goobta lasoo weeraray ay ka dhacday khasaare badan oo ay geysteen ciidamada rasaastii ay yirideen oo soo gaartay hotelka, waxaana hadalkiisa kamid ahaa.

” Markii ugu dambaysay markaan meel imanay, oo dadkii oo dhan ay yimaadeen oo nidaaamkii dhan la joojiyey, waxaa dhacday xabad, Hotelka ninkii lahaa Allah ka samir siiyo cid u magayso magaranayo,  waxaas oo dhacaya oo dhan yaan waxna dhismin, waxaan moodayey in la helay waayo aragnimo ku filan in dowlad lahelo” ayuu yiri.

Goobjoog News