Rooble: Weerarkii Dhacay Waxaa Lagu Carqaladaynayaa Hamsami u Socodka Doorashada
Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay tahay fal laga xukumaado weerarkii lagu qaaday hotel lagu dhaarinayay xidhibaannadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo la sheegay in ay geysteen ciidamo ka tirsan dowladda sida uu sheegay guddoomiye Dhabancad.
Ra’oosulwaasaraha oo soo saaray qoraal ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan fakilii dhacay, waxaana uu xusay in ay tahay carqalad lagu samaynayo hamsami u socodka doorashooyinka dalka oo lagu wado in maalmaha isxiga Muqdisho ay ka dhici doonto doorashoooyinka doonka labada aqal ee BJFS iyadoo lagu yiri qoraal kasoo baxay.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo”