U bood dhigaalka

Siciid Deni oo Ka Horyimid Wareegtadii Karaash

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ahna musharrax madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa ka horyimid wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Cismaan Karaash, kaas oo lagu magacaabay xilal u badanaa agaasimayaal dhowr wasaaradood oo Puntlanda ah.

Siciid Deni ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook in wareegtada kasoo baxaday ku-xigeenkiisa ay tahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka Puntland, waxaana uu intaas ku daray inaan loo hoggaansami karin, waxaana uu ugu baaqay hey’adaha dowliga ah ee maamulka in ay wadataan shaqadooda sida uu hadalka u dhigay

“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo dhigay bartiiisa Facebook madaxweyne Siciid Deni.
“Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland” ayaa lagu yiri gabagabadii qoraalkiisa Deni.
Qoraalka kasoo baxay madaxweyne Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa kadib markii maanta uu madaxweyne ku -xigeenka Puntland uu magacaabay 15 agaasime, kuwaas oo loo kala magacaabay wasaarado dhowr ah, waxaana markale soo ifbaxay khilaafka u dhaxeeyada madaxda ugu saraysa Puntland oo soo saaray qoraallo iska horjeeda.