Akhriso: Taariikh Nololeedka Jaamac Maxamed Qaalib
jaamac Maxamed Qaalib, waxa uu sannadkii 1933kii ku dhashay Deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Waxa uu Booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii. Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.
Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe ama sare; waxa uuna noqday bare jaamacadeed, taas waxaa ugu wacnaa in isaga oo yar oo 12 jir ay geeriyootay hooyadiis, waxaana uu isaga soo tagay miyaga isaga oo u adkaysan waayay nolosha miyiga iyo rajanimadii soo martay.
Waxaa uu yimid magaalada Hargaysa isagoo aad u da’ yar waxaana markaas magaalada oo dhan ku yaallay iskuulkii hoose dhexe iyo sare Fisher oo shuruudaha aqbalaadda ardayda ay ka mid ahayd in uu Qur’aanka dhammeeyay. Sababtaas ayuuna Jaamac Yare ku waayay fursadii uu ugu biiri lahaa dugsigaas.
Bishii May sannadkii 1962kii, Jaamac Maxamed Qaalib waxa loo magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Jaamac Maxamed Qaalib, waxa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed bishii February, sannadkii 1970kii.
Jaamac Maxamed Qaalib xilalka uu soo qabtay waxa ka mid ahaa:
1. Madaxa Booliiska Gobolada Waqooyi, 1960 – 1962.
2. Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed, May 1962 – April 1966.
3. Madaxa Booliiskii Gobolada Waqooyi (Mar labaad), April 1966 – April 1969.
4. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Feb. 1970 – Dec. 1974.
5. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dec. 1974 – Dec. 1976.
6. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Jan. 1977 – April 1978.
7. Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga, April 1978 – Feb.1982.
8. Wasiirka Gaadiidka, Feb. 1982 – May 1984.
Burburka ka dib, waxa uu madax ka ahaa guddigii diyaarinta Axdi Qarameedka, shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Carta ee dalka Jabuuti, sannadkii 2000. Sidoo kale, waxa uu door weyn ku lahaa shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret, Kenya. Dhinaca kale, waxa uu ka mid ahaa Soomaalidii sida xun uga gilgilatay duullaankii Xabashida ee Soomaaliya sannadkii 2006dii, waxaanu ka mid ahaa Ururkii Dib-u-xoraynta Soomaaliya ee lagaga dhawaaqay Asmara, Eritrea.
Dhinaca qoraalka iyo kaydka taariikhda Soomaalida, Jaamac waxa uu qoray ilaa lix buug oo kala ah: The Cost of Dictatorship oo uu qoray sannadkii 1995kii. Who is Terrorist? Oo uu qoray sannadkii 2005tii. Defending History oo uu qoray sannadkii 2005tii. Somali Phoenix oo uu qoray sannadkii 2012kii. The Ogaden oo uu qoray sannadkii 2014kii iyo buuggiisii ugu dambeeyey ee Taariikhda Soomaalida – Xogogaalnimo u badan – oo uu qoray sannadkii 2020kii. Sida oo kale waxa uu qoray waraaqo door ah.
Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe ama sare; waxa uuna noqday bare jaamacadeed, taas waxaa ugu wacnaa in isaga oo yar oo 12 jir ay geeriyootay hooyadiis, waxaana uu isaga soo tagay miyaga isaga oo u adkaysan waayay nolosha miyiga iyo rajanimadii soo martay.
Waxaa uu yimid magaalada Hargaysa isagoo aad u da’ yar waxaana markaas magaalada oo dhan ku yaallay iskuulkii hoose dhexe iyo sare Fisher oo shuruudaha aqbalaadda ardayda ay ka mid ahayd in uu Qur’aanka dhammeeyay. Sababtaas ayuuna Jaamac Yare ku waayay fursadii uu ugu biiri lahaa dugsigaas.
Maadaama af Ingiriiska ahaa luuqadda kaliya ee loogu shaqeynayay Maxmiyadda Ingiriiska ayuu isago oo 13 sano jir ah wuxuu ku biiray xibisgii SYL, si uu u dhigto koorso lagu baranayay af Ingiriiska oo muddo lix bil ah xubnihii SYL loogu qabtay xaruntii xisbigaas ee magaalada Hargeysa.
Af Ingiriiskii uu ka bartay xaruntii SYL ayaa u furay albaab kale, oo isaga oo 15 sano jir ah ayuu biyatooni (Office Boy) ka noqday xafiiska Hawlaha Guud, April 1948. Mar kale ayuu 1950kii ka qaybgalay koorso luqadda Ingiriiska ah oo muddo saddex bilood ah loo dhigayay Naadigii Shaqaalaha Soomaalida. Kadibna karraannimo ayaa loo dalacsiiyay 1952dii.
Burburkii kadib, Jaamac wuxuu kaalin ka qaatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida, Jaamac wuxuu Guddoomiye u ahaa Guddigii Axdi-qarameedka diyaariyay, wuxuuna door weyn ku lahaa shirkii 2002 ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Duullaankii Itoobiya 2006-dii kadibna, wuxuu noqday Guddoomiye-ku-xigeenkii ururkii dib-u-xoraynta Soomaaliya ee looga dhawaaqay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wuxuu af Soomaali iyo Ingiriis ku qoray ilaa lix buug oo kii ugu dambeeyay uu yahay Taariikhda Soomaalida (2019).