U bood dhigaalka

Ciidamada Burundi oo Dib Ugu Laabtay Ceelbaraf

Ciidamada Burundi ee  qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada dhexe, kadib howlgal ciidanku ay qaadeen iyagoo gaaray saldhiggoodii.

Ciidamada oo kaashanaya Milatariga dowladda federalka Soomaaliya ayaa qaaday howlgalka, waxaana ay bilaabeen  howlagallo amniga lagu xaqiijinayo ee aaga saldhigga ay ku leeyihiin degmada ciidama howanta ayaa dib u qabsaday.

Al-shabaab ayaa laba Todobaad ka hor weeraray deegaanka Ceelbaraf, iyagoo halkaas ku dilay askar ka tirsan kuwa dowladda Burundi, dowladda ayaa   dhankeeda asheegtay in 20 askari looga dilay deegaankaan dhaca Hirshabeelle.

Goobjoog News