Madaxweyne Xasan iyo IMF oo Kulan Fogaan Aragga ah Yeeshay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo siihayaha Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay Madaxda hey’adda dhaqaalaha Aduunka (IMF),kadib doorashadii laba maalin.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hey’adaha dhaqaalaha caalamku dhegeystaan aragtida dhaqaale iyo barnaamijka dayn cafinta ee Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in lasii wado dib u habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deyn cafinta.
Hey’adda ayaa horay u sheegtay in haddii 17 May oo maanta ku beegan ay joojinayso wada shaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya hadii aan la dooran hoggaan cusub, Soomaaliya ayaa yeelatay hoggaan cusub 15-kii bisha oo la waxaa la.doortay Madaxweyne Xasan oo faham fiican ka haysta horumarinta dhaqaalaha.
Goobjoog News