QM Oo Soomaaliya U Balan Qaadday Kordhinta Taageerada Ay Siiso
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guterres ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa, isagoo sheegay in ay si dhaw ula shaqaynayaan dowladda madaxweyne Xasan.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay in ay sidoo kale Qaramada midoobay ay diyaar u tahay sidii loo kordhin lahaa taageerada Soomaaliya, isagoo u rajeeyay maamulka cusub isbaddal in uu la yimaado.
António Guterres ayaa madaxweynaha ugu baaqay in si degdeg ah loosoo dhiso xukuumad cusub, si dalka looga samata bixiyo xaaladda adag ee uu ku jiro.
Qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa lagu yiri “Xoghayaha Guud waxa uu ku celinayaa taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu rajaynayaa in uu sii wado wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jira”.
Madaxda caalamka ayaa inta badan dhambaallo hambalyo ah u dirtay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-ka May ee sanadkaan.
Goobjoog News