Dib U Milicsi: Waa kuma Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Markale Noqday Madaxweynaha Soomaaliya?
Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabqan qaabadii ugu dambeysay ee munaasibadda xil wareejinta madaxweynaha Soomaaliya, taas oo lagu wado in beri ay ka dhacdo Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in berri oo Isniin ah uu si rasmi ah ula wareego xafiiska looga arimiyo dalka kadib doorashadii todobaadkii hore dalka ka dhacday.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo afar sano iyo sanad iyo bar sharci darro ah xafiiska Villa Soomaaliya joogay ayaa baneynaya xafiiska kadib markii looga adkaaday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Hadaba Waa kuma Xasan Sheekh Maxamuud?
Xasan Sheekh waxa uu ku dhashay degmada jalalaqsi ee gobalka hiiraan sanadkii markii uu ahaa 1955-kii, shan sano ka hor xurnimada Soomaaliya.
Xasan ayaa waxa uu waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd waxa uu ku soo qaatay deeganka uu ku dhashay, waxaana magaalada Muqdisho oo uu yimid uu ku dhameeyay waxbarashadiisii dugsiga sare iyo Jaamacadda.
Waxa uu ka qalanjabiyay jaamacadda sanadkii 1981-kii, isagoo bartay cilmiga Teknoolojiyadda.
Waxa uu wixii xilligaasi ka dambeeyay sii waday waxbarashada isagoo markale waxbarasha jaamacadeed u tagay dalka Hindiya.
Markii uu dib ugu soo laabtay dalka waxa uu ka shaqo bilaabay wasaaradda tacliinta, halkaas oo uu macalin jaamacadeed iyo mid iskuulaba ka noqday.
Xasan Sheekh oo tan iyo burburkii aan dalka ka bixin waxa uu qayb ka qaatay dhismaha Iskuullo waxbarasho iyo jaamacado fara badan, kuwaas oo uu macalinna ka noqday.
Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.
Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.
10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.
Xasan Sheekh intii uu xilka joogay waxa uu qayb ka qaatay dhismaha hanaanka dowladnimada dalka, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta iyo amniga.
Madaxweyne Xasan waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee dalka gudihiisa lagu doorta isagoo hogaaminayo dowladdii ugu horeysay ee aan kumeel gaar ahayn tan iyo 1991-kii.
Xasan Sheekh ayaa xilka madaxweynaha ku wareejiyay kadib markii doorasho lagaga adkaaday madaxweynaha uu maanta kaga guulaystay doorashada ee Farmaajao.
Intii uu dalka ka talinayay nidaamka Farmaajo, madaxweyne Xasan ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka sida aadka ah uga horyimid hanaanka qar iska tuurnimada ah ee maamulka Farmaajao.
Xasan Sheekh ayaa lagu xasuustaa in uu si aad ah u diiday siyaasadihii Farmaajo uu ku wajahay maamulada dalka, Askartii loo qaaday dalka Eritrea iyo dhaqamada maamulka Farmaajo.
Madaxweyne Xasan ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee markale loo doorto hoggaanka dalka tan iyo xurnimadii.
Goobjoog News