U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Markale La Wareegaya Xafiiska Villa Soomaaliya

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabqan qaabadii ugu dambeysay ee munaasibadda xil wareejinta madaxweynaha Soomaaliya, taas oo lagu wado in beri ay ka dhacdo Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in berri oo Isniin ah uu si rasmi ah ula wareego xafiiska looga arimiyo dalka kadib doorashadii todobaadkii hore dalka ka dhacday.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo afar sano iyo sanad iyo bar sharci darro ah xafiiska Villa Soomaaliya joogay ayaa baneynaya xafiiska kadib markii looga adkaaday doorashada  madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga qaban qaabada munaasabadda xilwareejinta madaxweynaha ayaa wada diyaar garoowgoodii ugu dambeeyay ee xafiiska lagula kala wareegayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Xasan Sheekh ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeyay ee mar labaad xilka si rasmi ah ugu guulaystay xafiiska ugu sareeyo ee dalka.

Goobjoog News