Qiimaha Hubka iyo Rasaasta oo Hoos u dhac Ku Yimid Kaddib Doorashdii Madaxweyne Xasan Sheekh
Iyada oo todobaad uun laga joogo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa durba waxaa hoos udhac laga dareemayaa qiimaha hubka iyo rasaasta ay ka joogeen suuqyada caasimadda Muqdisho.
Goobjoog News oo booqatay suuqyada hubka iyo rasaasta ee Muqdisho ayaa ogaatay in qiimaha hubka iyo dalabkooda uu hoos u dhacay kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo ganacsatada hubka ay sabab uga dhigeen hoos u dhacaasi dareenka ah in dalku galay xasilooni siyaasadeed, kadib markii 15-kii bishan la doortay madaxweyne, lana soo gabagabeeyey hubanti la’aanta geedi usocdka doorashada iyo muddo kordhin la socotay oo sababtay in sanadkii ugu dambeeyey uu soo bato dalabka hubka iyo iibkiisa.
Haddaba, Liiskan waa isbadalka ku yimid qiimaha hubka iyo dalabkiisa wax kayar todobaad.
AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa todobaad kahor $1,100, waxaa uu hadda tagay $1,000
AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa todobaad kahor $1,700, hadda waxaa la iibiyaa $13,000
Qoriga BKM halkii todbaad kahor lagu iibin jiray $13,000, hadda waxaa uu hoos ugu dhacay ilaa $11,000
Bastoolada Dhabancas halkii todobaad kahor aheyd $2,500, hadda waa $1,550
Bastoolada Biljim-ta halkii qiimahaheedu ka ahaa $2,500, doorashada kadib waxay ay joogtaa $1,600
Basoolada Tetega oo la iibin jiray todobaad kahor $1,200, hadda waa $1,000.
Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.5 hadda waa $1, Rasaasta BKM oo la iibin jiray $1 oo ahaa $1.5, hadda waa $1, Rasaasta Dhashiike oo halkii xabo uu ahaa $5, hadda waa $2, Rasaata Suugga oo halki xabo todobaad kahor ahaa $20, hadda waa $15 Raasta RBJ ama Sabanka oo muddo kordhintii 2 sano ee Farmaajo kadib gaaray $180, hadda waa uu marayaa $160.
Beelaha Xamar ayaa bilaabay hub aruursi kadib muddo kordhintii sharci darrada aheyd ee uu Farmaajo sameystay April 2021-kii, taasi oo keentay in ay caasimadda Muqdisho ka dhacaan dagaallo iyo qax, waxaana muuqata hadda oo madaxweyne Xasan Sheekh la doortay in dalku u jiheystay xasilooni iyo nabad.
W/D: Cabdicaziz Gurbiye