U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Shabaab Oo La Qabtay

Howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo qabtay mid ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 14-ka October ee ciidanka XDS Gaashaanle Sare C/raxmaan Maxamed Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu soo qabtay horjooge  lagu magacaabo Aweys Mayow Eelaay , oo ahaa horjoogahii kooxda ee degmada Markaa,  kaas oo ka dambeeyay  qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Marka.

Aweys ayaa xilliga la qabanayay waxa uu ku howlanaa aasitaanka miinooyinka dhulka lagu aaso ee Magaalada Marka Cadeey oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah.

Weerar lagu qaaday gurigiisa ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay hub ay ku jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay ciidamada kala wareegeen.

Sargaalka u hadlay ciidamada XDS ayaa sheegay in howlgal xoog leh oo lagu soo sifeynayo xubnaha kooxdan ee dhibaatada ka wada gobolka Shabeellaha Hoose uu socon doono inta laga gaarayo hadafkooda.