Aljazeera oo Dacwad Ka Dhan ah Israa’ii U Gudbinaysa Maxkamadda ICC
Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ee fadhigeedu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ee magaalada Hague, si ay u helaan cadaaladda wariyaha la dilay
Kooxdaan khuburada ah oo ka kooban kuwo dhanka sharciga ah oo ay gacan siinayaan khubaro caalami ah, waxaa kale oo ku jiri doona dacwooyinka ay gudbinayaan duqeynta Israa’iil “iyo gebi ahaanba burburinta” xafiiska Aljazeera ee Gaza iyo sida bareerka ah ee ciidankeedu u toogteen wariyaha.
Maamulka shabakada Aljazeera waxay wacad ku martay inay raaceyso waddo kasta oo lagu heli karo caddaaladda Shireen, lana hubiyo in kuwii ka dambeeyay dilkeeda la horkeeno caddaaladda oo lagula xisaabtamo dambiyadooda ay geeysteen sida laga soo xigtay khubarada wada shaqaan reer Al-jaziira.
Dilka Abu Akleh ayaa dhacay 11-kii May 2022 ,kadib kolkii ciidamada Israa’iil ay ku toogteen meel u dhow xerada qaxootiga ee Jenin ee dhacda Daanta Galbeed ee marinka la heysto, waxaana toogtay ciidan Yahuudda, waxaana sidoo kale ay dhaawac u geysteen wariye sawir qaade ahaa oo la socday.
Goobjoog News