Madaxweyne Xasan “Ballanteennu 2026-ka Waa Inaan Teendhadii Lagu Noqon”
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa ku bogaadiyay shaqooyinkii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada dadban ee Baarlamaanka iyo middii Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa u madaceliyey guddiyadii doorashooyinka heer dowlad goboleed ee doorashadii labada Xildhibaannada labada gole guddiyadii doorashooyinka guddoonka iyo guddigii ugu dambeeyay ee qabtay doorashada madaxweynaha lagu doortay,isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Rooble doorkiisii doorashada waxaana uu ku mutaystay Shahaado sharafeed.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed ka codsanayo in lagu gacansiiyo isaga iyo dowladda uu soo dhisi doono inaan 2026-ka marka la gaaro aan lagu noqon doorasho, waxaana uu sheegay in shacabku xaq ay u leeyihiin in ay soo doortaan qofka iyaga matalaya, waxaana uu ku celiyay inaan lagu noqon doonin Teendhada Xalane.
“Ballanteena caawa aan usoo jeedo aan rabo inaanshacabka kula ballamo oo aan ka codsanayo in ay nagu gacabsiiyaan haddii aan nahay mas’uuliyiinta cusub waxaa ay tahay 2026 Teendhadii inaan loo noqon, waan ka shaqanaynaa dadka Soomaaliyeedna waxaan ka codsanaynaa in ay nagu garab istaagaan oo ay nagu taageeraan, dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo doorashadeedii ay soo dhacday inaan isku imaano ” ayuu yiri madaxweyne Xasan xilli uu hadlayay.
“Dadka Soomaaliyeed ma xukumi karo, mana xukumi doono Illaahay Idankiis nin aysan iyagu talada u dhiiban inuu xukumaa sax maahan, qof kaligiis wax ma ahan , waxaa uu wax ku yahay dadkiisa, waxaa uu wax ku yahay ilaalinta wixii lagu heshiiyay, dowladnimada Muqdisho ayaan ka qaadnay dowlad goboleedyada ayaan geynay oo caasimadaha ayey joogaan, markaan caasimadaha ayaan ka wadaynaa degmooyinka ayaan geynaynaa” ayuu sii raacuyay hadalkiisa Xasan.
Goobjoog News