Madaxweyne Xasan oo Shaaciyay Qorshaha Dowladdiisa Ee Dhallinyarada Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa kaga aadan muddo xileedkiisa, kaas oo lagu abuurayo fursado shaqo oo lagu xoojinayo xiriirka dowladnimada iyo dhallinyarada, isagoo baaq u diray madaxweynaha ganacsatada Soomaaliyeed.
“Dhallinyaradeennu xagga aqoonta; kartida, hal abuurka iyo awoodda ay leeyihiin, haddii aysan uga horreyn jiilasha kale ee dunida kama hooseeyaan. Haddaba, waa in dhallinyaradu meelkasta oo ay joogto ay u diyaar garoobaan sidii ay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahaayeen khayraadka dalkooda dhex yaalla” ayaa lagu yiri qoraal kadib kulanka uu la qaatay.
Madaxweynaha ayaa ganacsatada ku booriyay in ay baahiyaan fursada shaqo ee loo abuurayo dhallinyada Soomaaliyeed, waxaana bulshada Soomaaliyeed uu dhankooda ugu baaqay in ay hormuud ka noqdaan taageerada dhallinyada oo lagu sheego 70% ay ka yihiin bushada, waxaana uu xusay in dowladdiisa ay abuuri doonto fursado lasiinayo dhallinyarada.
“Shaqo la’aanta baahsan ee jirta waxay saamayn taban ku yeelatay amniga, dhaqan-dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka guud ee dalka. Si arrimahaas wax looga qabto, waa inaan ka faa’iideysannaa aqoonta dhallinyarada iyo hal abuurkooda cilmiga ku dhisan” ayaa sidoo kale lagu xusay qoraalka kasoo baxay kadib kulankii uu la qaatay dhallinyada.
Goobjoog News