U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ka Hadlay Safarkiisa Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta gaaray Dhuusamareeb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana soo dhweyntiisa qeyb ka ahaa madaxda ugu saraysa maamulka Galmudug, madaxweynaha ayaa ka hadalay safarkiisa dowlad goboleedka Galmudug, kadib safarkiisii Koofur Galbeed uu ka bilaabay safarkiisa nabadda

“Dhulka Galmudug ay ka kooban tahay in badan ayaa xor ah, in yarna cadowga Alshabaab ayaa ku harsan, waana u taagan yihiin reer Galmudug in ay xoreeyaan dhulkaas oo maalin walba waxay cadowgaas kula jiraan dagaal, anaguna waxaan ku garab istaagaynaa sidii ay cadowgaas muddada dheer ku daahay isaga xoreyn lahaayeen, taasina waxay ku suurta gelaysaa inanga oo midowna, qalbiyadana isu furna.”ayuu yiri madaxweyne Xasan xilli uu ka hadlaayay safarkiisa Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto baahiyaha nololeed iyo amni ee ay qabaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga Galmudug.
Goobjoog News