U bood dhigaalka

Wufuud Muqdisho Ku Soo Qulqulaysa

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qulqulaya wufuud kala duwan oo ka socota dalalka deriska iyo kuwa calaamka, kuwaas oo qayb galaya munaasibadda caleema saarka madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo iyagana qayb ka ah munaasibadda caleema saarka ayaa qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, xilli kuwa kale lagu wado in ay yimaadaan saacadaha soo socda.
Madaxweynayasha Jabuuti, Kenya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa iyagu ku soo wajahan Muqdisho, waxaana ay kamid yihiin madaxda ku casuumaan munaasibadda caleema saarka madaxweynaha.
Munaasibadda caleema saarka madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto maalinta beri ah ee khamiista, waxaana ay ka dhici doonta Afisyooni.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, xilli waddooyinka caasimadda lagu arkaayo ciidamada xoogga iyo gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamada ayaana dadka shacabka ah waddooyinka qaar u diidaya in ay adeegsadaan, iyadoo dalka ay ka jirto abaar galaafatay nolosha dad fara badan.
Goobjoog News