Madaxweyne Deni oo Guddoomiyey Shir Looga Hadlay Amniga Puntland
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta, waxaana kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xirrira amniga guud ee deegaannada maamul goboleedka Puntland.
Kulanku intuu socday Madaxweynahu wuxuu uu warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere taliyaha ciidanka daraawiishta ee Puntland iyo saraakiisha kale ee ciidanka ee maanta kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan amniga Puntland.
Madaxweynaha ayaa ciidanka daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida ay ugu adeegaan bulshada iyo sida ay marwaliba heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.
Goobjoog News