U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay ayaa baadi-goob ugu jirta 993.3 Million oo Dollar oo Wax Looga Qabanayo Abaarta Ka Jirta Soomaaliya

Hay’adda u qaabbilan Qaramada Midoobay Arrimaha Bini’aadannimada ayaa sheegtay inay diyaarineyso lacag gaareysa 993.3 million oo lacagta Mareykanka ah oo lagu badbaadinayo loogana hortagayo macluusha islamarkaana wax looga qabanayo abaarta ka jirta Soomaaliya.

Xafiiska isku-dabbaridka arrimaha Bini’aadannimada ee OCHA ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee sii kordhaya ayaa ka sii Daraya baahida jirta waxayna taasi sababeysaa in dalku galo xaalad macluul ah.

Ugu yaraan %50 dadka oo ka kooba 7.7 million oo qof ayaa u baahan kaalmo bini’aadannimo ama caawinaad iyadoo lagu qiyaasay in 7 million ay saameysay abaartu, OCHA ayaa sidaas ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay oo ay uga jawaabeysay ka qorshaha hortagga macluusha kaas oo soconaya May illaa December. Abaarta ayaa baabo’isay nolosha dadka nugul iyo dadka la heyb-sooco oo ay ka mid yihiin dumarka, carruurta iyo qabaa’ilka la heyb-sooco. Nafaqo darro aad u daran ayaa saameysay carruurta.

Afar xilli roobaad oo aan da’in ayaa sababay in ay Soomaaliya ku dhafato abaartii ugu xumeyd muddo 40 sano ah taas oo keentay in malaayiin ay qarka u fuulaan macluushii ugu xumeyd ee dunida soo marta.

Qaramada Midoobay ayaa. Sheegtay in bilihii March iyo May xilli roobaadkii la sugayey uusan imaan waxayna taasi noqoneysaa xilligii ugu adkaa ee la diiwaangeliyo kaas oo baabi’iyey nolosha dadka sababayna cunto la’aan, biyo yari iyo nafaqa darro baahsan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 6.4 milyan oo qof ay la’yihiin biyo nadiif ah iyo nadaafad iyadoo 6.5 milyan oo qof aysan haysan caafimaad ku filan.

Goobjoog News