Madaxweynaha Jubbaland oo Kulan La Qaatay Haweenka Degmada Dhoobley
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose,madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen magaalada.
Haweenka Degmada Dhoobley oo dadaalo badan ku bixiya dib usoo celinta bilicda magaalada laf-dhabarna u ah bulshada ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen howlaha ay ka qabtaan Degmada, baahiyaha ka jira iyo hormarada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Degmada ay hadda kadib heli doonto adeegyada muhiimka ah ee lagu hormarinayo bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan haweenka, Caruurta iyo dhalinyarada, kadib aqoonsigii ay heshay.
Goobjoog News