U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Wasiirro, Kadib Dhacdadii Boosaaso

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyay ku luglahaashaha dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee lagu hor istaagay wafdi ay hoggaaminaysay guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Wasiirrada shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah wasiirka duuliista hawada iyo garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor( Gabiley) iyo wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax, waxaana lagu soo eedeeyay shaqo gudasho la,aan, sida lagu xusay digreeto kasoo baxday kusimaha madaxweynaha Puntland Axmed Cismaan Karaash.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Dhabancad oo dhacdaan ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga ay hoggaaminaysay marwo Sacdiya aan lagu soo war galin, waxaana wareysi ay dhiibtay ay ku sheegtay in ay la xariirtay guddoomiyaha gobolka Bari iyo kusimaha madaxweynaha Karaash oo ay xustay in ay la hadashay intii aysan gaarin Boosaaso iyo markii diyaaradu degtay.

Goobjoog News