Guddoomiye Sacdiya oo ka hadashay Ishor Istaag Maamulka Puntland uu ku sameeyay
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka federalka Sooaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa oo ka hadashay dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa xustay in maamulka Puntland ay ku wargeliyeen in ay tagi doonaan magaalada Boosaaso, waxaana ay dafirtay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Puntland Dhabancad.
Marwa Sacdiya Siciid oo ayaa xustay ka hor inta aysan diyaaraddu tagin garoonka in ay la xariireen guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), waxaana uu hadalkaan ka burinayaa hadalkii warbaahinta uu u sheegay wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dimuquraadiyadda Puntland Dhabancad oo sheegay inaan lagu soo wargelinta imaatinkooda.
Marwo Sacdiya ayaa waxaa ay dhanka kale sheegtay in markii ay tagayeen garoonka diyaaradaha wafdigeeda uu Axmed Cimaan Karaash madaxweyne ku-xigeenka Puntland uuna u sheegtay in diaaraddu laga dejinayo mucaawino loogu talo galay dadka abaartu ay saameysay, iyadoo intaas ku dartay in kahor inta aysan ka bixin Muqdisho la xiriirtay Karaash.
Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan ah oo iskugu jira bur, bariis iyo saliid; iyo wleiba cuntooyinka nafaqada caruurta, kuwaas oo ah Buskudka lasiiyo caruurta da’da yar si loogu nafaqeeyo.
Magaalada Bosaaso ayaa hadda xaaladeedu waxaa ay tahay mid degan, waxaana dagaalkii shalay ka shacay garoonka ku naf waayay 10 asakri oo ka kala tirsan askartii dagaalamay ee PSF-ta iyo kuwa ilaalada garoonka diyaaradaha, waxaana ay kusoo aadaysaa xilli ay magaalada ka jirto saameynta abaaraha ee dadka danta yar ee ku sugan xeryaha dadka Barakacayaasha ah.
Goobjoog News