U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Ka Warbixiyay Howlgallo Lagu Qabtay Ciyaal Weero iyo Burcad Kale

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgal habeenimadii xalay ciidanku ay ka sameeyeen degmada Kaaraan gobolka Banaadir, kaas oo ka dhan ahaa ciyaal Weerada iyo kooxa burcada ah ee dhaca u geysta dadka, degmada waxaa ay shacabku  cabasho ka muujiyeen amni xumada ka jirta iyo in ay saldhig u noqotay ciyaal weerada iyo kuwa kale.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay lagu qabtay in ka badan 74 ruux, kuwaas oo uu ku tilmaamay ciyaal weero iyo burcad kale sida uu hadalka u dhigay, waxaa kale uu xusay in lasoo qabtay hub badan oo ay isticmaalayeen, kaas oo u badan Tooreeyo oo ciyaal weerado dilalka iyo dhaca ay ku geystaan.

“Howlgalkii la sameeyay waxaa lagu soo qabtay ilaa iyo 74 qofood oo ciyaal weero u badnaa iyo ilaa iyo midiyo gaaraya 51 xabo oo aan horay loo arag, midiyahaas oo ah kuwa casi ah, loogu talo galay in lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed, guud ahaan gobolka Banaadir waxaana ka sameyn doonaa Diiwaangelin ama xoojin” ayuu yiri afhayeenka Booliiska.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dad ka cabanaayay amni darro in ay ka jirto caasimadda guryahooda laga soo helay waxyaabo amniga lid ku ah sida dareeska ciidanka iyo Tooreeyada ay isticmaalaan Ciyaal Weerada, waxaana uu sheegay in ciidanku ay ciiwadi doonaan howlgalka Samakaab ee lagu xasilinayo amniga caasimadda iyo la dagaalanka burcadda kale.

“Waxaan kale oo aan rabaan inaan raacino in dad ka cabanaayay amni darro ku joogaan oo amni darri ay dareemayaan idaacadaha ka sheegay oo caawa guryahoodii laga soo qabtay wax walba oo amni darrida kaabayay, oo dharkii ciidanka guryahooda ay ku xareysteen oo iyagu qirteen in ay Hub heystaan oo guryahooda lagu soo qabtay” ayuu yiri afhayeenka.

Howlgalkaan ciidanku ay fuliyeen ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeenley ay saldhig u noqotay Ciyaal weerada, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay geysanayay dhac iyo dilal lagula kacayo shacabka, waxaana shacabku ay muujiyeen cabashadooda ku aadan ciyaalkaan oo dad badan ku dilay Tooreeyo xilli ay dhac u geysanayeen.

Goobjoog News