U bood dhigaalka

Degmada Cadaado oo Lagu Doortay Xubno Kamid Noqonaya Golaha Deegaanka

Waxaa maanta markale xarunta Madaxtooyada degmada Cadaado, lagu doortay lix xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka Cadaado, kuwaas oo tiradooda ka dhigeysa 18xubnood, iyadoo wadarta Golaha deegaanka Cadaado laga rabo 23xubnood, waxaana lagu wadaa in xubnaha dhiman la doorto maalinta barri ah oo ay xigi doonto midda guddoomiyaha iyo kuxigeenka.

Doorshada maanta waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Galmudug,wasiirdu dowlaha wasaaradda amniga gudaha Galmudug, Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, Taliyaha Booliska Galmudug, Taliska Booliska degmada Cadaado Madaxda hey’adaha AISA iyo FCA oo ku garabsiinaya dhismaha golaha deegaanka iyo marti kale.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Cabdi, ayaa ka hor doorashada ugu baaqay Ergada iney doortaan qofka ay u arkaan inuu deegaanka wax-taraayo, waxaana Cadaado ay noqonaysaa degmadii ugu horeysay oo ay ka dhacdo doorasho dadku ay kusoo doortaan dadkii iyaga u adeegi lahaa ee xildhibaannada golaha deegaanka degmadaas.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Federalka iyo dib-u-heshisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Wardi Wayeel, ayaa waxaa uu sheegay in maalmaha soo aadan la dhameystirayo doorashada 5 kursi oo ka dhiman xildhibaannada golaha deegaanka “ waxaa la qaban doonaa shanta kursi ee harsan maalmaha nagu soo aadan”. Ayuu yiri Cabdi Maxamed.

Goobjoog News