U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya oo Diiday Natiijada Doorashada Madaxweynaha

Musharraxa looga adkaaday doorashada madaxweynaha dalka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo horjeestay natiijada lagu shaaciyay in madaxweynaha dalkaas uu ku guuleystay William Samoei Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii dalkaas, Raila ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan natiijada guddigu ku dhawaaqay oo muujisay in looga adkaaday 50.49%.

Hadallada Odinga hoggaamiyaha mucaaradka ayaa yimid daqiiqado kadib markii afar xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada ay sheegeen inay ku adkeysanayaan go’aankii ay shalay ku diideen natiijada doorashada, ayaga oo sheegay in hanaanka tirinta codadka uu ahaa mid mugdi uu ku jiro, taas oo Odinga ka helay 48% codadka.

“Aragtideena waxay tahay in natiijada doorashada ee uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ay tahay waxba kama jiraan ayna qasab tahay in lagu baabi’iyo sharci maxkamad,” ayuu yiri Odinga oo markii shanaad u tartamay madaxweynaha dalkaas kuna guul dareystay inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Isaga oo u hadlaya kooxda guddiga doorashada ee diidan natiijada ayaa guddoomiye ku-xigeenka  guddiga Juliana Cherera waxay maanta sheegtay in natiijada guusha siisay William Ruto si khaldan loo xisaabiyey, Guddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa  sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%.

Natoojada doorashada dalka Kenya ayaa waxaa ay abuurtay iska hor imaad guddiga doorashooyinka oo kala jabay, waxaana jirta in laga cabsi qabo in xaaladdu ay gacan ka hadal isku badesho, waxaana xusid mudan in maalinmadii shalay la helay meysdka madaxii xarunta tirinta codadka, kaas oo lagu waayay Nairobi, kadib markii la afduubay lana dilay.

Goobjoog News