U bood dhigaalka

Somaliland oo Beenisay in Madaxda Ka Socota Soomaaliya Ka Qeybgalayso Aaska Hadraawi

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalilad  Maxamed Kaahin Axmed, oo ah gudoomiyaha guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsanayay maalmihii ugu dambeeyay oo lagu baxnaaninaayay xaaladdiisa caafimaad.
Wasiirka ayaa shaaciyey  in la aasi doono marxuumka beri oo Jimco ah salaada casar, aaskuna uu noqon doono Xabaalaha Baqiiq ee Hargeysa, waxaana qoraal kasoo baxay wasiirka lagu beeniyay hadal warbaahinnada madaxbannaan ay ku sheegeen in aaska ay ka qeyb galayaan madax ka socota Soomaaliya, kadib shirkii ja’aid uu maanta qabtay.
“Waxaanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama. Waxaanu uga digaynaa Saxaafadda Madaxa Banaan in aanay siyaasadayn Aaska Qaranka ee loo samaynayo Abwaankii waynaa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay.
Hadalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo baraha bulshadu ku wada xiriirto lagu faafiyay in Somaliland ay u ogolaatay madax kasocota dowladda Soomaaliya ay tagayaan Hargeysa si ay uga qeyb galaan aaska Abwaan Hadraawi,  iyadoo sheegtay hadalka wasiirku jeediyay si khaldan loo fasiray.
Goobjoog News