U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse”Soomaali Go’aanbey Gaartay, Waxay Ka Socotaa Heeryadooda”

Sheeko:War

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Xamse cabdi Barre ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayna sii socon doonaan, isaga oo xusay in xilligaan dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ay ka socdaan, waxaana uu hadalkiisa ku daray in dowladdu qorsheynayso dalka laga wada bilaabo sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaali go’aanbey gaartay, waxay ka socotaa heryadooda in la iska dulqaado, Galmudug waxaa ay ka socotaa Hirshabeelle iyo meelo kale oo dalka kamid ah, waxaana si dhab ah ay uga bilaabanaysaa meelo kale oo badan, waana la iska xoreynayaa Illaahey idankiis, dowladda iyo xukuumadda Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse.

Ra’iisulwasaaraha ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in ay tahay in ay u midoobaan dagaalka Al-shabaab,  “Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomalaiyeed in ay gacmaha is qabsadaan, u midoobaan cadowgaas sidii ay isaga celin lahaayeen, u midoobaan sidii ay isku xoreyn lahaayeen iyo sida hadda ay sameeyeen aysan mar dambe u dhici laheyn”

Xamse ayaa dhanka kale sheegay in xukuumaddu ay amar ku bixisay in dadka qaba dhaawacyada daran oo dalka aan waxna looga qaban karin in loo qaado dalka dibaddiisa, waxaana uu sheegay in ay ku jiraan caruur dhaqaatiirtu sheegeen in ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kadib weerarkii lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare.

” Waxaan booqday isbitallada, waxaana amray, in la qaado oo dibadda lagu soo daweeyo dadka dhaawaca halistaa qaba, ma ahan kaliya kuwii ku dhaawacmay qaraxii jimcihii dhacay, ee, kuwa kale oo Soomaaliyeed oo caruur ku jirto,ay noosheegeen dhaqaatiirtu inaan gudaha waxna looga qaban karin , aygana waan ku darnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xamse Cabdi.

Hadalka Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo habeennimadii jimcaha weerar lagu qaaday hotelka Xayaat uu sababay geerida 21 ruux iyo dhaawaca 117 kale sida ay shaacisay wasaaradda caafimaad, waxaana howlgalkaas uu qaatay wax ku dhow 48 saacadood, waxaana ugu dambeyn ciidanku ay soo afjareen howlgalkaas saqdii dhexe ee habeenkii sabtida.

Goobjoog News