U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaran oo Shir Isugu Yeeray Taliska Booliiska Gobolka Banaadir

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka dowladda Soomaaliya Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xafiiska kulan kula qaatay taliyaha Booliska qeybta gobolka Banaadir Janaraal Farxaan Maxamuud Qaroole iyo saraakiil kale oo ka socotay saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ayaa ujeeddadiisu aheyd isla xisaabtan iyo hagitaanka hawlaha baarista ee Qaybta iyo Saldhigyada Gobolka Banaadir, waxaana xeer ilaaliyaha uu warbixin uga dhageystay taliye Farxaan sida ay u socdaan howlaha baarista, ka hortagista dambiyada iyo caqabadaha hortaagan.

Kulankaan u dhaxeeyay xeer ilaalinta iyo saraakiisha ka tirsan laamaha ammaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo marar badan ay ka dhacaan caasimadda falal la xiriira amniga, ciidankuna ay diiwaan geliyaan dhacdadaas, iyadoo aan dib loo siiraacin cid lagula xisaabtamo aaney jirin.

Goobjoog News