U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Dawladdu waa in ay muujisaa dareen xaalad degdeg ah, lana timaado abaabul heer qaran

Ergayda gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dawladda ugu baaqay inay la timaado abaabul heer qaran, kaas oo   Alshabaab la iskaga celiyo, sida uu hadalka u dhigay, kadib dhacdadii ka dhacday gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in xaq loogu leeyahay in aan shacabkeeda horteeda lagu gumaadin, laguna gumaysan, waxaana uu xusay in dowladda looga baahan yahay in ay la timaado abaabul ku aadan la dagaalanka Al-shabaab sida hadalka u dhigay.

“Argagexisada Shabaab, caruur dugsi Quraan dhiganaysa cafin mayaan. Dawladdu waa in ay muujisaa dareen xaalad degdeg ah, lana timaado abaabul heer qaran oo argagexisada la iskaga celiyo. Shacabka abaar ba’an ayuu la tacaalayaan, colaad iyo gumaad Al- Shabaab ma xamili karo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Shacabku wuxuu xaq noogu leeyahay in aan horteenna lagu gumaadin, laguna gumaysan. Cadowgu wuxuu doonayaa in uu tusiyo in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan oo ay dullaysigooda aqbalaan. Gulufka dagaal iyo gurmadka abaabul ee loogu hiillanayo shacabka uu Shabaab gumaadayo, waa in uu heer qaran noqdaa” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Ergayga Abaaraha.

Hadalka kasoo baxay madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Al-shabaab habeen ka hor gobolka ay ku dileen ku dhowaad 20 ruux oo ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka, iyagoo sidoo kale gubay gaadiid siday raashin gargaar ah oo ku socday degmada oo loogu talo galay dadka abaartu ku saamaysay gobolka.