Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo maamulka degmada Baxdo ayaa gaaray deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka iskood isku abaabulay oo deegaanka ah.
Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhagestay odayaasha iyo hogaanka ciidanka deeganka oo ah shacab iskood isku abaabulay kuwaas oo u diyaar garoobay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay gobolka, dadka deegaanka ayaa sidoo kale isku abaabulay deegaanka Cadakibir oo hoos taga degmada Cadaado.
Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Galmudug ayaa sheegay in wasaaradaha qaabilsan arrimaha beni’aadaannimada ay dadka deegaanada ay gaarsiin doonaan gargaar dhankasta leh, waxuuna baaq u diray hay’adaha arrimaha gargaaka inay dadka deegaannada abaarta iyo colaada ka jirto ay soo gaaraan.





From the comments