Wasaaradda amniga xukuumadda federalka Soomaaliya , ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howgal laga fuliyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu burburiyay shabakad ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsan dilalka qorsheysan, kadib howlgal ay fulisay NISA, sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in la qabtay 10 Al-shabaab ah.
“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qeyb ka mid warsaxaafadeedka kasoo baxay hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.
Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu in xubnaha la qabtay ay ku jiraan dhaqaatiir, kuwaas oo daweeya, ma shaacin degmada sida gaarka ah uu uga dhacay howlgalka hey’adda NISA ay fulisay “Dhagar qabeyaasha la qabtay ayaa isugu jira maleeshiyaad loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo dhagar qabayaal kale oo qaabil sanaa deegamaynta iyo u adeegidda maleeshiyadaan”.
Gabagabadii qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab “Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, ayaa waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin habaabiyeen aragagixisadu inay ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda”.
Howlgalkaan hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay ka fulisay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya iyadoo mararka qaar magaalada caasimadda ah ay ka dhacaan dilal qorsheyn iyo qaraxyo, kuwaas oo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo goobo kale, waxaana sidoo kale uu imaanayaa xilli gobollada dalka qaar ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka oo iska abaabulay gobollada Baay, Hiiraan iyo Galgaduud.