U bood dhigaalka

Dagaalka Al-Shabaab iyo doorka abaabulka reeraha

Tan iyo markii uu gobalada Baay, Hiiraan iyo Galgaduud ay ka bilaawmeen dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab, bartamihii sanadkaan, waxaa sii xoogaystay abaabulka dadka deegaanka iyo beelaha ee dagaalka qaybta ka noqonya.

Reeraha daga gobalada hoostaga maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay dagaalka ku biirayaan si deegaanadooda ay kaga xoreeyaan ururka alshabaab.

Kulama ay isugu yimaadeen beelaha qaar ayaa looga dhawaaqay in cudud ciidan iyo mid maalba ay la garab istaagayaan dadka si looga saaro alshabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin gobalada ay heeystaan.

Dagaalka oo markii hore ka bilawday dhulka ay dagaan reeraha Saleebaan iyo Xawaadle, oo ah meesha uu ka bilabmay xoogga dagaalka, waxaa wixii intaas ka dambeeyay abaabulka uu ku fiday deegaannada ay degaan beelaha la deriska ah.

Reeraha kale ayaa sidoo kale kulama ay yeesheen shaaciyay in ay dagaalka ku biireenaalka ayaa waxaa bilawday in ay reeraha kulamo ay qabteen, uga dhawaaqaan in ay ku bireen, waxaana reeraha dagaalka ku soo biiray kamid ah Murusade, Muddullood, Duduble, Gaaljecel, Makane, Baadicadde, Saruur, Shiikhaal, waxaana jiro reera kale oo dagaalka ku biiray oo ka barbar dagaalamaya walaalahood ay wada dagaan dhulka Hirshabeelle iyo Galmudug.

Beelahan ayagaa isugu jira kuwa shirar ku shaaciyay ku biiristooda dagaalka iyo kuwa furimaha hore ka soo muuqday.

Ciidamada oo u  abaabulan qaab deegaaneed oo bilaabay in ay xureyaan deegaanadooda, ayaa markii dambe waxaa ku biiray ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo hadda iyaga oo isgarab sanaya ku guulaystay in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaanno 50 kor u dhaafaya.

Saraakiisha ciidamada xoogga, qaar kamid ah xildhibaannada, mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer gobol ee reeraha aan kor ku soo xusnay ayaa qaarkood ku sugan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Dagaalka oo uu xooggiisa ka socdo gobalada Baay, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa hadda Al-shabaab laga qabsaday xarumo iyo fariisimo muhiim u ahaa.

Deegaannada illa iyo hadda laga qabsaday ururka alshabaab waxaa kamid ah:

Hiiraan: waxaa alshabaab laga saaray deeganada kala ah Beergadiid, Bacda, Teetaan, Buuq-aqable, Moqokori, Tardo, Booco, Goobo, Baardheere, Yaasooman, Tiroshanye, Coomaad, Beer-yabaal, Nuur Fanax, Beer xaane iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Galgaduud: Waxaa alshabaab laga saaray gacantooda deegaannada kala ah Ceel-lahelay, Labi-dulle, Dhabanna hays, Caadakibir, Maarsamage, Dhuumoodle, Qaayib, Cali-walliid, Maygaag, Ceel-gasur, Dhisaqa, Abooreey, Cali-wayid, Sina-dhaqo iyo kuwa kale oo badan.

Gobalka Baay: Ciidamada xoogga oo garabsanaya ciidanka dadka deegaanka ee la magacbaxay Dulmi-diid, waxa ay alshabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanno ay kamid yihiin Madabuun, Makiini, Labaatan jiroow, Hoobaal daranle, Iskiri, Qanyareey, Boorama, Baaqaay, Kaayow, Bayaale, Cali dooyow, Xaawo dhaaysile, Karonay, Dawuudow, Moodo-moodo, Seydheelow iyo kuwa kale.

Gobalka Bakool: Waxaa alshabaab laga saaray deegaanno ay kamid yihiin Moodfoy, Kawo, Guuro iyo deegammada dhaca wadada isku xirtay gobalada Baay iyo Bakool.

Gobalka Gedo: Waxaa alshabaab laga saaray deegannada kala ah Birtadheer,Gosoweyne, Farwaaley, Najax iyo kuwa kale oo gobalka hoos yimadaa.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo ay barbar joogaan xildhibaanno heer federaal, heer maamula gobaleed iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka horay xilal uga soo qabtay, qaarkoodna ay hadda xilal ka hayaan ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan fariisimihii ay alshabaab deeganada la qabsaday ku lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in intii dagaallada ay socdeen isku darka tirada shabaab looga dilay ay kor u dhaafayaan 300 oo dagaalamayaan iyo horjoogayaal kooxda muhiim u ah.

Sikastaba falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa dhankooda qaba in fursadda hortaalla dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay middii ugu muhiimsaneyd oo suuragelin karta in Al-shabaab looga saaro deegaannada yar ee hadda gacantooda ku soo haray.

Dhinaca kale dadka qaar ayaa qaba in laga fikiro, waxa xiga haddii Shabaab laga ciribtiro dalka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Aragtiyo