U bood dhigaalka

Madaxweyne Guudlaawe oo ku baaqay ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Sheeko:War

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo hoggaaminayo howlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalka Shabeellaha dhexe, ayaa ugu baaqay shacabka in ay qayb ka noqdaan howlgalka.

Guudlaawe ayaa shacabka u soo jeediyay in ay qayb ka noqdaan dagaalka alshabaab ee ka socda qaybo kamid ah gobalada dalka.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Xildhibaan Xaadoole oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka, saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoog News