U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Ka Warbixisay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa ka warbixisay howlgal dhanka cirka ah oo laga fuliyay meel aan ka fogeyn deegaanka Xawaadleey oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo abaabul ku jiray.

Hey’addu waxaa ay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 17 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana qeyb ka qaatay ayaa lagu yiri saaxiibada Soomaaliya, isaga oo dhacay habeenkii xalay, bayaanka kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu xusay in sidoo kale howlgalkaas shakhsiyaadka lagu dilay ay ku jiraan laba horjooge oo Al-shabaab ah.

 

May be an image of text

Goobjoog News