U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka oo la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Turkiga

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamud Macallin Cabdulahi ayaa la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Turkiga ee loo Yaqaan AFAD. Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashi & wadashaqeyn. AFAD waxay Hey’adda si gaar ah uga taageeri doontaa dhisidda kaabayaasha muhiimka u ah Maareeynta qataraha & musiibooyinka.

Kulanka kadib, wafdiga Hey’adda ayaa booqday Xarunta dhexe ee isku daba ridka & Maareeynta Musiibooyinka dalka Turkiga.