U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA iyidoo uu xarunta kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda Mudane Maxamud Macallin Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa  lagu siiyay warbixin kooban oo ku saabsan Howlaha ay Hay’adda SODMA qabatay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Arrimaha Gargaarka Abaaraha, Xasilinta, Gurmadkii Musiibadii Zoobe 2 iyo u Gurmashada dadka ku waxyeeloobay shaqaaqadii Lascaanood, halkaas oo hey’addu ay u dirtay gargaarro kale duwan.
Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada culus ee Hay’adda heyso mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, asigoo ku amaanay Guddoomiyaha Hay’adda dadaalka u geliyay shaqooyinka hortabinta u leh Hay’adda, wasiirka iyo guddoomiyaha  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, iyo La-taliyayaasha Hay’adda Maareynta .
Goobjoog News