Labo Arrimood oo Shuruucda Amniga ee Baarlamaanka 11-aad Ansixiyey ay u Leeyihiin Dowladnimada
Meel-marinta Hindisayaasha khuseeyo sugista Amniga iyo dib-u habaynta Hay’adaha Amniga sida Ladagaallanka Argagixisida, cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, Hindisaha Hay’adda Socdaalka, Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka, Ilaalinta xogta ” Data Protection Bill ” waxay leeyihiin labo muhiimad oo waawayn:-
1. Hay’adaha Amniga waxay u suurta-galinaysaa in ay dunida la macaamisho kana faa’ideystaan fursadaha khibrad wadaagga iyo iskashiga Caalamka, gaar ahaan xogaha kaydsan oo helistooda tahay arin Dastuuri ah sida ku cad Q. 32-aad ee DKMG-JFS, helista xogaha mukhaabaraad, tababar xirfadeedka, Iskaashiga Amni imw. waana arimo aysan suurtagal ahayn Xeer la’aan.
Intii u dhaxaysay 1990-2007 Bangiga adduunka waxuu qarash gareeyey 7.4 Billion oo lagu taageerayey baahinta nidaamka, waxaana shuruud looga dhigay saddex qodob ” Decocracy closer to the peole, Ehnace accountability, improve puplic services” waana sababta Golaha deegaanka loogu xirey si loo helo Mashaariicda GPLG-ga, sidoo kale xogaha Amniga & sahanka dalka laga sameeyey waxay ku xiranyihiin shuruuc in aad leedahay.
2. Shuruucda Amniga waxay muhiim u yihiin xaqiijinta & xakamaynta qalalaasaha in uu gacanta u galo dowladda “State Monopoly on violence” taas oo ah tiirar kamid ah dowladnimada, habka lagu xaqiijin karana waa sharciyadda.
Shuruucda Amniga ma aha hal sharci waa wadar sharciya ah, qaar ay Hay’ado dhisayaan, Qaarna waa mowduuci, waxaana saldhig u ah Xeerarka Ciqaabta ee la dagaalamo faldambiyeedka, waxayna u baahanyihiin isla jaan-qaadid iyo dib- u habayn isla socota.
Halka arin u baahan in laga taxadaro waa ilaalinta xuquuqda muwadinka ee Dastuuriga ah iyo in dib-u habaynta Amniga horseedaa inidaam dimuqoraadiga ah ee aysan caburin isu badalin.
W/Q Garyaqaan Cali Somali
Goobjoog News