Ciidanka Dowladda oo Markale Din U Qabsaday Deegaanka Galcad
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidamada dowladda federalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud oo hore uga soo baxeen ciidanka horaantii sanadkaan 2022
Kadib markii howlgalka uu soo idlaaday ayaa waxaa gaaray deegaanka xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, iyagoo bulshada deegaanka u sheegay in ciidanka dowladda aysan dib uga laaban doonin Galcad.
Ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Galcad hore uga baxay, kadib weerar ka dhacay oo lagu dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab, waxaana markaan ay noqonaysaa markii labaad ay galaan.
Goobjoog News