Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sagootiyay Ciidamo Ka Qeybqaadanayo Wajiga Labaad Dagaalka Al-shabaab
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan CGuutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo dagaalamayaasha Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu saaro gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qarankan Soomaaleed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa u sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, waxa uuna faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro kooxda gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.
Goobjoog News