U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Furay Bandhigga Buugaagta Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.
Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirro Aqoonyahanno, Macallimiin, Arday, Qorayaal iyo Akhristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo akhriska.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaranay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta akhriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan.
Goobjoog News