U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ruuska?

Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaas Sergey Lavrov oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa Iskaashiga is-qadarinta iyo wax wada qabsiga labada dal.

Dowladda Ruushka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday in xiriir badan la sameyso dowladda Federalka Soomalaiya, iyadoo la xusuusto in dowladdii Kacaanka ay si weyn u taageertay, waxaana mashruuc lagu dhisay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa horumarineed oo laga hirgaliyay gobollada dalka oo ay ku taageertay dowladdii dhexe.

“Waxaan kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa” ayuu yiri Wasiir Huruuse”

Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku tartamayeen sidii saameyn taban iyo mid togan ay ugu yeelan lahaayeen dalalka dhaca Qaaradda Afrika, waxaana Soomaaliya xilligaan dhincayo badan uu amniga uu ku jiro ka taageerta dowladda Mareykanka, taas oo dhaqaale ku bixinaysay tan iyo Soomaalidu dhisatay dowlad federal ah.

Goobjoog News