Madaxweyne Xasan Shiikha oo Howlgalka ATMIS Kala Hadlay Bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding ayaa ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka oo a Alshabaab lagaga saarayo dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale aad looga hadlay in midowga Afrika Soomaaliya ay ka gacan siiyaan sidii guud ahaan looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo ammaankeeda ku fulin marka la gaaro dabayaaqada sanadka soo aadan oo la qorsheeyay in askariga ugu dambeeyo howlgalka ATMIS uu kaga baxayo Soomaaliya.
Goobjoog News